Home / Events / Munaasabad Bandhig Dhaqan oo lagu qabtay Gaalkacyo

Munaasabad Bandhig Dhaqan oo lagu qabtay Gaalkacyo

Gaalkacyo – Waxaa maanta lagu soo bandhigay xarunta horumarinta waxbarashada iyo nabadda GECPD ee magaalada Gaalkacyo bandhig dhaqameed lagusoo bandhigay farsamadii iyo aqoontii haweenka soomaaliyeed iyo wax soosaarkoodii iyo siday u samaynjireen agabka guryaha lagu dhisto maacuunta iyo waxyaabaha looga dhaqmi jiray soomaaliya.

Munaasabadda waxaa kasoo qayb galay maamulka gobolka Mudug iyo kan magaalada Gaalkacyo, waxgarad, ururada haweenka iyo dhallinyarada.

Waxay ahayd munaasabad ka duwan tan maalinta haweenka dunida daafeheeda looga dabaaldagayay, waxaana xooga la saaray bandhigga dhaqanka, waxaa la xusay in haweenka soomaaliyeed taariikhda soomaaliyeed ay ku lahaayeen kaalin aan ka dhicin tan ragga dhinac walba dhanka hogaaminta.

Waxaa la xusay hablihii Soomaaliyeed ee taariikhda weyn ku leh gayiga Soomaalida oo ay kamid yihiin Boqoradii Araweelom dhanka halgankii gobanimo doonka waxaa laga xusay Xaawo Taako iyo kuwii lamidka ahaa dhanka dawladnimadii soomaaliya kaalin walba ka buuxiyey.

Intii uu burbursanaa wadanka Soomaaliya, Haweenka Soomaaliyeed waxay ka qaateen kaalin libaax badbaadinta qoysaska Soomaaliyeed gudaha iyo dibaddaba iyagaa waxtarayay bulshada dibu dhiskana ka qaatay dawr aad u balaaran.

Daawo Sawirro:

Dhaqan dhaqan 2 dhaqan 22 dhaqan 4 dhaqan 5 dhaqan 3 dhaqan 6

Scroll To Top