Garoowe- Iyadoo dhalinyaro badan oo soomaaliyeed ay xiligaan dhibaatooyin ku heystaan dalalka Talyaaniga, Liibiya, Yemen, iyo meelo kale ayaa maanta waxaa loo dabaal degay maalinta dhalinyarada aduunka oo ku beegan 12 August.
Xafladaan oo lagu weyneynayayo maalintaasi ayaa waxaa ay ka dhacday xarunta jaamcada PSU ee magaalada Garoowe, tasoo uu ka qayab galay madaxwaynaha Puntland Dr C/rixmaan Maxamed Maxamuud Wasiirka Wasaarda shaqda iyo shaqaalaha,Ardayda dugsiyada kuwa jaamcadaha iyo dhalin yaro kaloo badan.
Waxaan xafladaan si wada jir ah usoo qaban qaabiyay wasaarada shaqada shaqaalaha dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, Ururka dhalinyarada ee Y-peer, waxaana dhinaca dhaqaalaha ka taageerayay hay’adda UNFP iyo PDRC,
Xafladaan oo ahayad mid si wayan loo soo agaasimay ayaa waxaa diirada lagu saarayay sidii dhalinyarada looga wacyi galin lahaa Tahriibta,burcadbadeeda,iyo in ay kamid noqadan Ururka Alshabaab waxaan xafladaa ka hadalya masuliyiin badan oo dhalinta kuu booriya in ay ka shaqyasataan dalkood oo aysan ka tagin ayan kamid noqan kuwa ka qayab qaata falalka amniga waxa u dhimaaya.
Wasiirka wasarada shaqada shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyhaaraha Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle ayaa xusay in dhalin yardu ay tahay boqalkiiba lixadan bulshda reer Puntland loona bahan yahay in ay dhalin yaradu noqdaan kuwa ka qayab qaata shaqooyinka wanaagsan iyo hormarka dalkooda.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in waxa kasata oo xun loo isticmaalo dhalinyarada tasina ay tahay in ay ka fakaraan dhalinta oo ay yihiin kuwii dalkooda u hari lahaa oo loo bahan yahay in ay dalkooda ay ka faa’idaystaan fursadaha yaala.
[nggallery id=17 template=dop-thumbnail-gallery]
Madaxweynaha Puntland dr Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud faroole oo ka qayb galay xuska maalinta dhalinyarada ayaa xusay in dhalinyarada ay waayadaan danbe ay noqdaan kuwa tahriiba ama kamid noqda burcad badeeda iyo alshabaab taasina ay tahay ayaan daro dhalinta haysata oo loo bahan yahay in ay ka waantoobaan xaldaahaasi xun oo dhan .
Madaxwaynaha ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan fursado ka banaan dowalada kuwasoo ah furrsado badan oo ay kamid tahay nabad sugida, taliyaasha ciidamada oo ay gaboobeen taliyaashii hore oo loo bahan yahay in loo soo tababaro dhalinyarada cidii diyaar uu ahana in la tababaro lasoo tababaraayo ,
Madaxawaynaha ayaa waxaa uu dhalinta ku booriyey inaanay tahriibin oo ay fursado badan dhalinyarda dalkooda uga banaan yihiin kuwaasoo u bahan in laga faa’idaysto,
Malinta dhalinyarda aduunka oo ah maalin caalmi ah ayaa munaasabada maanta lagu dabaal dagaayay oo ka dhacaday Garoowe ay hayad mid ay kasoo qayab galeen dhalinyaro aad u tiro kuwasoo ka socada iskoolada iyo jamcdaha magaalada.