Home / Recent News / Dalada Dhalinyarada ee Puntland Y-Peer Oo Doortay Gudoomiye Cusub

Dalada Dhalinyarada ee Puntland Y-Peer Oo Doortay Gudoomiye Cusub

Garoowe- Daladaan ayaa mudo lix bilood kadib isugu timid doorasho ay ku dooranayaan Gudoomiyaha Dalada iyadoo gudoomiyihii hore uu u dhamaaday waqtigiisa.

Jagada Gudoomiyenimada ee Dalada Y-Peer ayaa waxaa isusoo sharaxay labo mudane oo kala ah;

1-C/wali Cali Cabdulle

2-C/qani Mire Xirsi

Labadaan xubnood oo isusoo taagay jagadaan ayaa waxaa ay ugu horeyn ka hadleen waxyaabaha ay qaban doonaan hadii la doorto iyo aqoontooda,waxaana daladaan ku bahaysan dhalinyaro ka kala yimid gobolada Nugaal,Sool,Mudug,Bari,Karkaar iyo Ceyn.

Kadib markii la dhegaystay khudbadaha labada musharax ayaa la guda galay doorashada,waxaana doorashada ku guuleystay Cabdiweli Cali Cabdulle oo helay 16-cod halka musharax kale uu helay 1-cod.

Gudoomiyaha dalada Y-Peer waxaa sidaas ku guuleystay oo loo doortay Cabdiweli Cali Cabdulle,waxaana sidoo kale la sameeyey guddiga dhexe ee dalada kaas oo ka kooban 6-xubnood.

Dalada Y-Peer oo ay ku mideysanyihin dhalinyarada gobolada Puntland ayaa ka shaqeysa sidii ay dhalinyarada ugu adeegi lahayd.

Scroll To Top